Thursday, June 26, 2025

Midowga Musharixiinta oo soo dhoweyn Sharuud ku xiran kasoo saaray kala saarista Guddiyada Doorashada

Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweyn laba shard ku xiran kasoo saaray shaqada hordhaca ah oo ay qabteen Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ee kala shaandheynta xubnaha dacwada laga keenay ee guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayeyy kusoo jeediyeen si shaqada Guddiga xukuumadda u noqoto mid keenta xal mira dhal oo dhaqan gala in guddiga si daah furan oo madax bannaan u soo bandhigo habraaca iyo hannaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashada.

Arrinta labaad ee ay dalbadeen Midowga Musharaxiinta ayaa ah in magacaabista xubnaha cusub ee Guddiyada doorashada ay noqdaan kuwo loo maray habraac iyo hannaan daah furan oo ku saleysan hab-raacyadii iyo heshiisyada doorashooyinka, si looga hortago in mar kale ay guddiyada doorashada ka mid noqdaan xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ee dowladda, ciidamada iyo xubno taageerayaal u ah shaqsiyaad gaar ah.

Qoraalka Midowga Musharixiinta ayaa ka dambeeyay dood kulul iyo khilaaf dhex maray Musharixiinta Midowga ka mida oo si weyn isugu khilaafay arrintan.

HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON