Sunday, June 22, 2025

Midowga Musharixiinta oo taageeray Jadwalka Guddiga Doorashada FEIT & RW Rooble

Midowga Musharixiinta oo madaxda Maamul Gobnoleedyada ka dalbaday inay faraha kala baxaan hawlaha Guddiga Doorashooyinka FEIT

Midowga Musharaxiinta ayaa taageeray, soona dhoweeyay jadwalka dhammaystirka doorashooyinka 2020/22 ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT).

Goluha Musharixiinta ayaa qoraal ay soo saareen ku caddeeya, in kaalinta Dawlad Gobolleedyada ay ku eg tahay fududeynta doorashooyinka ee deegannadooda, iyagoo ugu baaqay madaxda Maamul Gobnoleedyada inay faraha kala baxaan hawlaha Guddiga Doorashada Heer Federaal.

Ad

“Goluhu wuxuu caddaynayaa in dibudhac iyo daah sanad ka badan ee doorashooyinka dalka, ay sababtay firaaq dastuuri ah iyo halls ku timaadda sharciyada iyo jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah. Goluhu wuxuu adkaynayaa in la dhowro qodobka 66-aad ee dastuurka, lana raaco soo-jireenkii doorashooyinka 2016/17 ee ku aadan masuuliyada GHDHF ee la xariira waqtiyeynta dhamaystirka hawlaha doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Goluhu wuxuu caddaynayaa, in kaalinta Dawlad Gobolleedyada ay ku eg tahay fududeynta doorashooyinka ee deegannadooda. Wuxuuna Goluhu ugu baaqayaa in ay faraha kala baxaan hawlaha GHDHF.”

Golaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka, Xukuumadda iyo beesha caalamka in ay gacan ku siiyaan GHDHF, “meelna looga soo wada jeesto cid walba oo isku dayaysa carcialadaynta dhammaystirka hawlaha doorashada.”

- Advertisement -

Madaxda Maamul Goboleedyada K/Galbeed iyo Galmudug ayaa ka hor yimid jadwalka dhammeystirka Doorashda iyo dhaarinta xildhibaannada cusub, halka ay ka taageertay dowladda Mareykanka.

HOOS KA AKHRISO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON