Gollaha Midowga Musharraxiinta ayaa si buuxda utaageeray go’aankii xilka looga qaaday Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.
Qoraal degdega oo ay caawa soo saareen ayay ugu baaqeen xubnaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka inay si degdega guddoomiyeyaal cusub.
Waxay midowga Musharraxiinta ku tirtirsiiyeen Guddiyada Doorashooyinka inay ka fogaadaan ku milanka arrimaha siyaasadda, kana shaqeeyaan sidii ay dalka ugu qabsoomi lahayd doorasho hufan oo daahfuran.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA MUSHAREIXINTA
Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ugu baaqayaa guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga xallinta khilaafaadka in ay si deg deg ah hoggaan u doortaan.
Goluhu wuxuu ku boorrinayaa guddiyada in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, kana shaqeeyaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho hufan oo daahfuran.
Goluhu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda uu leeyahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee loo ballansan yahay 27 Disember. Goluhu wuxuu rajaynayaa in ay shirka ka soo baxdo natiijo togan oo lagu toosinayo geeddi-socodka doorashada, laguna dardar gelinayo meelmarinteeda.
Goluhu wuxuu aaminsan yahay in xalka uu ku jiro qabsoomidda doorasho hufan oo daahfuran, taasoo keenaysa in natiijadeedana la aqbalo.
