Midowga Musharixiinta ayaa qoraal cusub oo ay saareen nasiib darro ku tilmaamay xaaladda amni ee dalka iyo fashilka ku yimid oo ay wehliso xaaladaha cudurka Covid-19 iyo abaaraha.
Waxay ku eedyeen madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu dalka u horseeday in magaalada Muqdisho amni xumo darteed loogu shiri waayo, dalkana loo horseedo in la maciin bido Xalane.
Midowga Musharixiinta waxay qoraalkooda ku sheegeen in dowladda Federaalka ay ka gaabisay mas’uuliyaddii sugidda amniga, aysan lahayn wax tabaabusheysi ah, baaritaan ama falcelin lagu qanci karo kadib weerarradii Lul Yemani iyo duqeyntii Xalane.
Waxay soo dhoweeyeen shirka ka dhacaya Xalane ee looga hadlayo khilaafka doorashada, iyagoo u arka mid lagu soo afjari kara is mari waaga ka taagan Doorashada, haddii uu noqdo mid loo dhan yahay oo wadar ogol ah.

