Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay bannaanbax cusub oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, gaar ahaan Fagaaraha Daljirka Dahsoon.
Shir jaraa’id oo ay goor dhoweyd ku qabteen Muqdisho ayay ku shaaciyeen tallaabada xigta ee ay qaadayaan oo ah inay sii wadaan bannaanbaxyada, iyadoo Jimcaha soo socota uu dhici doono bannaanbax kale oo lagu tegayo Taallada Daljirka Dahsoon.
Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay ku taagan yihiin qabashada mudaaharaad oo aysan ka tanaasulin xuquuqdii Dastuuriga ah, bannaanbax kalena ay ku qaban doonaan isla goobtii Daljirka Dahsoon Jimcaha.
Wuxuu intaas ku daray inaysan wax ku raadineynin dagaal, ayna kuraasta ka tageen iyadoo nabad ah oo Doorasho lagu kala qaaday, isla markaana aysan ogolaan karin 30 sano oo burbur ah kadib in awoodda dowladda lagu takri falo.
“Cid aan u wakiilanay inay codkeena ku hadasho ma jirto.. Golaha Musharixiinta xubnaha ka tirsan wuxuu ku hadli karaa magaciisa iyo kan golahana waa na wada quseeyaa .. qof aan xil u heynin oo musharixiinta aan ka tirsaneyn dhiiggeena laguma banneysan karo” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka jawaabay eedeyntii dowladda ee hadalkii kasoo yeertay Jen. Yuusuf Indha-cadde.
Waxay u mahad celiyeen madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland mowqifyadii ay ka qaateen xaaladda dalka marayo. isagoo baaq u diray ciidamada iyo taliyeyaasha dowladda.
