Wednesday, June 25, 2025

Midowga Yurub oo tababar Casri ah siiyay Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ]Sawirro]

Tababar ay Saraakiisha ciidamada midowga Yurub siiyeen  ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Abaanduulaha Taakuleynta Taliska  Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Geb. Bile Maxamed Aadan iyo  Abaanduulaha Qeybta 12–ka April, ahna Madaxa howlgelinta qeybta  Gen. Maxamuud Macalin Koront, ayaa tababarka u soo xiray Saraakiil  ka tirsan Qeybta 12-ka April oo loo tababbray adeegsiga isgaarsiinta casriga ah.

Tababarka oo ay bixiyeen saraakiisha Midowga Yurub waxaa mudaddii tababarku socday saraakiisha Soomaalida ay barteen Isticmaal isgaarsiinta Casriga ah iyo qaabka loo fuliyo Howlgalada gaarka ah.

Gen Bile iyo Gen Koronto oo la hadlay Saraakiishaasi, ayaa kula dardaarmay inay la yimaadaan howlkarnimo, isla markaana aqoontii ay barteen ay uga faa’iideeyaan Ciidanka, iyaggo ugu baaqay inay dhexda u xirtaan siddii dalka looga xoreyn lahaa Kooxda Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON