Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray weerarkii is-miidaaminta ah ee Alshabaab ay ku qaadeen kolonyo ciidamada Talyaaniga ee ku sugan Muqdisho Warkan oo ka laabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.
Warka ayaa lagu sheegay inuusan jirin khasaare Ciidamada Midowga Yurub, siiba kuwa Talyaaniga kasoo gaaray weerarkii shalay ee is-miidaminta ahaa, waxaana intaas lagu sii daray in kolanyada la weeraray gay ahaayeen 5 Gaari oo uu mid kaliya qaraxa saameeyay.
Waxa ay tacsi u direen dadkii ku waxyeelloobay qaraxa iyaga oo sheegay natiijada qaraxa marka laga qiyaas qaato iyo waxa ka dhashay in Dadka rayidka ah ay inta badan ku nafwaayaan weerarrada Al-Shabaab.