Monday, July 7, 2025

Milkiilaha Hotelka Elite iyo Dad la badbaadiyey, Meydad laga soo saaray iyo wararkii ugu danbeeyay..

Waxaa weli socda rasaas goosgoos ah oo ka dhaceysa gudaha Hotelka Elite ee magaalada Muqdisho oo ay gudaha ugu jiraan dagaalmayaal ka tirsan Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada gaarka ah oo ka howlgalaya Hotelka ay dileen lab dabley ah, iyadoo laba kale ay weli ka dhex dagaalamayaan gudaha Hotelka, waxaana laga soo badbaadiyey dad isugu jira mas’uuliyiin iyo shacabka.

Dadka Hotelka laga soo badbadiyey waxaa ka mida milkiilaha hotelka C/llaahi Maxamed Nuur oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna farriin uu soo dhigay barah bulshada ku yiri: “Dhammaan allah ha un naxariisto inti ku dhimatay weerarki galabta ay argagaxisadu ku soo qaaday shacab soomaaliyeed gaar ahaan Hotel Elite oo aan xilligaas ku sugnaa inta dhaawaca ahna allah bogsiiyo, waana caafimaad dhamaan ehel iyo asxaabta”

Milkiilaha hotelka Elite C/llaahi Maxamed Nuur ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Dhinaca kale qasaaraha ka dhashay Weerarka Alshabaab ku qaaday Hotelka Elite ee xeebta Liido ayaa sii kordhay iyadoo meydad aan la aqoonsan ay yaallaan goobta qaraxu ka dhacay. Dhaawaca ayaa ka badan 40, iyadoo dhimashada ay sare u dhaaftay 10 qof.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON