Hoggaamiyeyaasha laba isbaheysi ee Baaralmaanka Kenya ayaa ku midoobay Mooshin ay wadajir u saxiixeen oo ku saabsan Dacwada Somaliya iyo Kenya ee Xuduudka Badda, waxayna Moohinkan u gudbiyeen Baarlamaanka Kenya oo ka doodi doona.
Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aden Barre Ducaale oo ah siyaasi kasoo jeeda Waqooyi-Bari Kenya iyo Hoggaamiyaha xildhibaannada mucaaradka John Mbadi ayaa mooshinkooda ku xusay in Kenya ay difaacdo xuduudkeeda Badda iyo qaranimadeeda dhuleed, isla markaana muranka kala dhaxeeya Somalia lagu xaliyo qaab Goboleed, sida IGAD iyo Midowga Afrika, wuxuuna mooshinka dowladda Kenya ugu baaqayaa inay arrinnan kala heshiiso dowladda Somalia..
Mooshinka qodobadda ku jira waxaa ugu muhiimsan:
1- In Kenya aysan ogolaan Dacwadda Maxkamadda ICJ taalla, ayna diido sharcinimada dacwadaasi, iyadoo qoraal u qoreysa Q/Midoobay.
2- Inay Dowladda Kenya aqoonsan wax waliba oo kasoo baxa Maxkamadda cadaaladda ee ICJ, ayna sharci darro u aragto qaadista dacwadaasi.
3- In Dowladda Kenya ay waanwaan la gasho dowladda Somalia oo ku saabsan xuduud Badeedka labada dal isku heystaan.
4- In arrintan lagu xaliyo heer Goboleed oo ah IGAD iyo Midowga Afrika, loona wajaho sida muran xuduudeedka Kenya iyo dalalka kale ee Gobolka kala dhaxeeya.
5- In dowladda Kenya ay ciidamo u dirto xuduudaheeda si ay u sugaan qaranimada dhuleed ee dalkaasi, sida xuduudka Badda ee Somalia.
Baarlamaanka Kenya ayaa u midoobay Mooshinkan oo arrinta ugu weyn ay tahay in la diido go’aanadda laga yaabo inay kasoo baxaan Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ iyo in Kenya awood ciidan kula wareegto Badda ay dooneyso inay Soomaaliya ka qaadato, waxayna arrintan imaaneysaa iyadoo ay soo dhowaatay dhageysiga dacwadda Kenya iyo Somalia oo furmi doonta bartamaha Bisha soo socota ee September.