Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Mooshin la sheegay in xildhibaano ka mida Baarlamaanka Federaalka ay ka diyaariyeen xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre.
Wararka qaar ayaa tirada xildhibaanada Mooshinka wada ku sheegay inay gaarayaan in ka badan 130 xildhibaan, halka warbixinadda qaarkood ayna ku eedeeyeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka danbeeyo Mooshinkan.
Haddaba baaritaan ay sameysay Goobjooge.com ayaa lagu ogaaday in Mooshinka guud ahaan uu yahay mid warbaahineed oo aanu jirin xaqiiqo ahaan Mooshin noocaasi ah, marka laga reebo xildhibaano dhowr ah oo xukuumadda cadaadis ku saaraya in la sameeyo isku shaandheyn.
Hadal heynta isku shaandheynta Golaha Wasiirada xukuumadda Kheyre ayaa timid iyadoo uu hore Ra’iisal wasaaraha u ballanqaaday intii uu ku jiray ololaha codka kalsooni u raadinta xukuumadiisa, taasoo xildhibaano hore wasiiro u soo noqday iyo qaar ku kacsan xukuumadda cusub oo mooshin ka keenay intii aanay kalsoonida helin lagu xaliyay.
Kadib sameynta madashii xildhibaanada Hore-u-socod oo ujeedkeedu ahaa mucaaradnimada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaa hadda soo noolaaday xildhibaano hore u soo noqday oo olole ugu jira inay meel uun kasoo galaan xukuumadda cusub.
Waxaa kaloo xusid mudan in xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre ay heysato laba bilood oo aan laga keeni karin wax mooshin ah, iyadoo weli ku dhex jirta lixdii bilood ee sharcigu siinayay inay shaqeyso.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waana wax lala yaabo in madaxweynihii hore loo saariyo mooshin aan asal ahaan jirin, iyadoo la ogyahay in dardaarankii Xasan Sheekh ee ugu danbeeyay uu ahaa in dowlada lala shaqeeyo oo aan lo baahneyn xasilooni darro siyaasadeed.
Goobjooge