Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulankiisii ugu horeeyay la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo hore dowladda Soomaaliya u diiday inay la shaqeyso.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in Madaxweyne Farmaajo uu Guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan degaano u sheegay in Dowladdu ka xoreysay argagixisada Alshabaab, qorshaha dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada, isagoo Guddiga Qaramada Midoobay ka codsaday in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya.
Guddiga waxaa hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Marc Pecsteen oo ah Guddoomiyaha Guddiga ammaanka ee Golaha Ammaanka Q/Midoobay u qaabilsan Cunaqabateyna Hubka ee Somalia, waxaana kulanka looga hadlay in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran Soomaaliya.
Madaxweyne Farmajo ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta.
Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo qaar kale ayaa dowladda Soomaaliya ku cadaadiyey inay la shaqeeyaan Guddiga Cunaqabteynta Hubka ee Soomaaliya, kadib kulankii bishii Oktoobar 2019, waxaana hadda muuqata in dowladdu aqbashay cadaadiskaasi.


