Mudane ka tirsan Koongareeska Mareykanka oo laga soo doorto Magaalada New York ayaa walaac ka muujiyey siyaasadda Soomaaliya iyo dowladda hadda jihada ay Soomaaliya ku wado.
Mudanaha lagu magacaabo Eliot Engel ayaa farriin uu soo diray ku sheegay in xaaladda hoggaanka Soomaalida ay sii xumaaneyso, isla markaana dagaalkii lagu jiray Alshabaab uu hakaday, kadibna ay timid in la eryo wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom.
“Welwelka aan qabo waa jihada ay Soomaaliya ku socoto..” ayuu yiri Mudane Eliot Engel oo ka mida xubnaha khibrada badan ee Koongareeska Mareykanka, kana mida guddiga Arrimaha dibadda u qaabilsan Koongareeska Mareykanka.
Markii dowladda Somalia ku dhawaaqday inaan dalka laga rabin, isla markaana aanu kasii shaqeyn karin wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxa soo baxaya digniin iyo walaac laga qabo dowladda hadda ka jirta Soomaaliya iyo qaabka hoggaankiisa ku wado dalka Somalia.