Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegayua in koox hubeysan ay caawa toogasho ku dishay mudane ka tirsan Golaha Degaanka magaaladaasi.
Mudane Cabdirisaaq Axmed Cilmi Cardoofe oo kamid ahaa Golaha deegaanka degmada Laascaanood, kana tirsan Xisbiga Waddani ayaa la sheegay inay dableydaasi ku dileem xilli uu ku sugnaa bannaanka hoygiisa, kadibna ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamada Amniga magaalada Laascaanood ayaa wada howlgal lagu baadi goobayo dableydii dilka ka geystay magaalada oo ay gacanta ku hayaan maamulka Somaliland.
Laascaanood ayaa ah magaalada kaliye ee Somaliland maamushoo oo ay ka dhacaan falalka dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ah.
