Sunday, July 13, 2025

MUQDISHO: Ciidamada Amniga oo toogasho ku dilay Nin Bistoolad ku hubeysnaa oo isku dayey…

War goor dhoweyd soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Amniga magaalada Muqdisho ay caawa toogasho ku dileen nin Bistoolad ku hubeysnaa xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho.

Ninkan oo Bistoolad ku hubeysnaa ayna ka shakiyeen ciidamada ayaa lagu joojiyey xaafadda Silliga Mareykanka ee degmada Wadajir, kadib markii uu dhaawacay askari ka tirsan ciidamada dowladda, balse uu diiday, kadibna rasaas lagu furay uu ku dhaawacmay, iyadoo markaas kadib uu isku dayey inuu baxsado oo uu raaco Gaari,

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada ay ka daba tageen ninka Bistoolada watay, kadibna ay ku dileen xaafadda Sey Biyaano ee degmada Hodon, iyadoo ay ciidamo kale goobaasi gaareen, waxayna arrntan qeyb ka tahay tallaabooyin sii kordhaya oo ciidamada amniga ay ku beegsanayaan dableyda Alshabaab looga shakiyo ee falalka amni darro ka fulliya caasimada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON