Ciidamadii ka tirsanaa NISA iyo Booliska ee ku sugnaa Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ayaa hubka lag dhigay oo la xiray, kadib dagaal ay ku lug yeesheen oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa tegay Isgoyskaasi, isagoo ay la socdaan taliyeyaasha Booliska iyo NISA ee G/Banaadir, wuxuuna sheegay in la xiray dhammaan ciidamadii ku sugnaa Isgoyska Siinaay oo baaritaan lagu wado.
Ciidamadan ayaa lagu xiray xarunta CID-da, iyadoo lagu qaadi doono denbiyo ay galeen, sida uu sheegay Duqa Mudisho, kadib markii ay iska hor imaad la galeen ciidamo ilaalo u ah Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ay u diideen inuu halkaas ka gudbo.
Iska hor imaadka ayaa waxaa ku dhintay dad dhacab ah, waxaana ku dhaawacmay dad uu ka mid yahay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, iyadoo lagu gubay laba baabuur oo mid shacabku leeyahay.
Xaaladda Amni ee caasimadda Muqdisho ayaa sii xumaatay muddooyinkii ugu danbeeyay, waxayna ciidamadii Amniga qeyb ka noqden iska hor imaadyo iyo shaqaaqooyin ka dhacay magaalada.