Koox hubeysan ayaa dil ka geystay isgoyska suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo toogasho ku dilay iil dhalinyaro ah.
Wararka ayaa sheegaya in wiilka la dilay uu ka mid ahaa dhalinyarada Gaadiidka BL-ka l shaqeysata, waxaana madaxa toogtay labo dhalinyaro ah Bistoolado ku hubeysna, iyaoo kadibna goobta ka baxsaday.
Falka dilka ah kadib ayaa la sheegay inay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ee Booliska, waxaase halkaasi ka dhacay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo lala beegsaday ciidamadii goobta tegay, waxaan ka dhashay dhaawaca saddex askari iyo qof shacab oo ganacsi ku lahaa halkaasi.
Dilalka qorsheysan ayaa sii kordhay magaalada Muqdisho, iyadoo falalkan ay daba socdaan doodo ku saabsan amniga oo ka dhacay Baarlamaanka Federaalka.