Thursday, July 17, 2025

Muqdisho: Koox hubeysan oo Gurigiisa ku weerartay, kuna dishay Qof shacab ah

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fal dil ah uu ka dhacay waaxda Sedexaad ee Degmada kaxda ee Gobalka Banaadir.

koox ku hubeysan Bistoolado ayaa toogasho ku dilay qof shacab ah oo la sheegay inuuka yimid Gobolka Shabeelaha hoose.  Kooxda dilka geysatay ayaa waxaa la sheegay inay degdeg ka baxsadeen.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ninkan ay  xalay gurigiisa ugu dhaceen dableyda dilka u geysatay, islamarkaana ay khaarijiyeen, iyadoo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Maxamuud Geelmaal.

Dilka noocan ah ayaa ah mid ku cusub degaanka Kaxda, waxaana cabsi weyn ka muujiyey dadka degaankaasi, iyadoo aysan wax war ah kasoo saarin Hay’adaha amniga Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON