Saturday, July 19, 2025

Muqdisho oo lagu soo bandhigay Dabley ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay weerar ay ku qaadeen xarun degmo

Ciidanka amniga ayaa soo bandhigay labo dabley ah oo ka tirsan Al-shabaab, kadib markii lagu qabtay dagaal toos ah oo ay ku qaadeen xarunta degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Labada nin ee lasoo bandhigay ayaa midkood dhaawac ahaa, waxayna ka mid ahaayeen koox xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday xarunta degmada Deyniile oo ay isku dayeen inay gudaha u galaan, laakiin iska caabin iyo dagaal dhex maray ciidamadii ilaalada xarunta ayaa lagu dhaawacay oo gacanta lagu dhigay.

Ciidamada amniga ayaa sheegay in dableydan ay dagaal la galeen, kadibna lagu guuleystay in la qabto, iyadoo baxsadeen maleeshiyadii kale ee la scotay; waana markii abaad ee dabley shabaab ah lagu qabto Muqdisho, iyadoo weeraro khaarijin ah iyo abrush ah ka geystay Muqdisho.

Image may contain: 2 people, people sitting and outdoor
Image may contain: 2 people, beard and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON