Waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu aaskay dhalinyarradii lagu laayey qarixii Saddexda Geed ee degmada Shangaani ka dhacay xalay, iyadoo baroordiiq iyo murugo hareysay caasimada iyo baraha bulshada.
Dhalinyarradan oo intooda badan ahaa saaxiibo ayaa maanta 4 ka mida hal mar lagu aasay Qabuuraha Muqdisho, iyadoo ehelada iyo saaxiibada dhalinyaradaasi ay ka muuqatay murugo iyo niyad jab weyn, balse ay ugu duceeyeen inuu Alle u naxariisto.
Dhalinyarrada ayaa u badnaa Jaamiciyiin ka qalin jebiyay Jaamacadaha Muqdisho, waxayna ahaayeen macalimiin iyo Aqoonyahanno da’ yar oo mustaqbal ifaya leh, balse ay qadartu qabsatay inay ku baxeen gacan is-miidaamiye isku qarxiyey goob ay ku nasanayeen, kuna Shaahayeen.

Dhalinyarradaasi waxaa ka mida ahaa:

Yaasiin Xuseen Cusmaan Sareeye: wuxuu dhowaan ka qalin jabiyey Jaamacada Banaadir, waxaana la dhintay saddex ka mida saaxiibadiis.

C/maalik Maxamuud, wuxuu ahaa arday dhigta Jaamacadda Muqdisho, gaar ahaan Kulliyada Injineeriyada oo sanadkii ugu dambeeyay uu ku jiray, iyadoo dadka dhaawacmay uu ku jiray walaalkiis.
Dhalinyarada kale ee ku dhintay Qaraxa waxaa ka mida C/qadar Maxamed Cali iyo Maxamed Deeq Cusmaan oo ay saaxiibo ahayeen labada dhalinyaro ee hore.

Cabdulaahi Isxaaq: Wuxuu ka mid ahaa dadii ku geeriyooday Qarixii Shangaani, wuxuu ahaa aqoonyahan jaamici ah, waxayna saxiibadii ku tilmaameen qof Af-gaaban, edeb badan, dadkana u naxariista.

Ibraahim Maxamed Yuusuf: Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Arday dhigta Jaamcadda Jamhuuriya ee magaalada Muqdisho.

Ustaad Cabdiraxmaan Xuseen Weheliye: Wuxuu ahaa Jaamici, wuxuuna waxa ka dhigi jiray Dugsiga Wiilwaal, isagoo imaam ka ahaa Masjid.
Dhammaandood Allaha u naxariisto.
Goobjooge