Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax Miin lala beegsaday Gariga taliyaha ciidamada Milateriga ee fadhgoodu yahay Gobolka Sh/Dhexe.
Qarax ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, waxaana lala beegsaday Gaari Ciidan oo uu leeyahay Taliyaha Guutada 4-aad, Qeybta 27aad Korneyl Saney Cabdulle Gaab, xilli uu marayey Xaafada Shaaciye ee degmada Hiliwaa.
Taliyaha ayaa la sheegay inuusan Gaariga la socon xilliga Qaraxa lala beegsaday, waxaana Qaraxa ku dhintay hal askari iyo darawal Mooto Bajaaj goobta kula kulmay, waxaana ku dhaawacmay ilaa askar la socday Gaariga la qarxiyey.
Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo abaabul dagaal oo ka dhan ah uu ka socdo Gobolka SH/Dhexe, waxaana maanta magaaldaa Cadalle gaaray madaxweynaha Hirshabelele.
