Wednesday, July 9, 2025

Muqdisho: Qeylo-dhaan ka timid Baraha Bulshada oo sababtay in la furo Jid la xiray

Qeylo-dhaan maanta baraha bulshada lagui baahiyey oo ku saabsan Jid cusub oo dhagxaan lagu jaray degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa keentay in degdeg loo furo jidkaasi.

Jidkan oo muhiim u ahaa isu socodka dadweynaha iskuna xiro isbitaallo muhiim ah oo ku dhow Isabitaalka weyn ee banaadir ayaa waxaa markii ugu horeysay saaka lagu wadaagay Barta Facebook dhibaatadda jidkaasi la xiray iyo muuqaal sawir ah.

Saacado kadib ayaa waxaa dhacday in degdeg loo qaado Dhagxaantii lagu jaray jidkaasi, waxaan arrintaasi sababteeda lahaa dad badan oo ay ku jiraan Saxafiyiin oo si weyn u dhaliilay in dowladda cusub ay sii xiro jidadkii furnaa, halkii ay furi lahayd.

Wararka ayaa sheegaya in jidkaasi ay ku badan yihiin tuugada dhacda Mobile-da, ayna dadka degaanka xirteen, waxaana uu hadda yahay jid furan, inkastoo xaaladda burcadda dhacda Mobile-da ay Muqdisho ka noqotay dhibaato weyn.

Baraha Bulshada ayaa haa meesha laga hago dowladii hore e Farmaajo, waxaana muquata inuu sidoo kale hadda yahay aalladda ugu xoogga badan ee wax lagu toosin karo, haddii danta guud loogu shaqeeyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON