Tuesday, June 24, 2025

Muran ka taagan Markab Dhuxul lagu rarrayo oo taagan Dekadda Magaalada Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inuu muran ka taagan yahay Markab Dhuxul lagu rarrayo oo dhowr maalmood taagan dekadda Kismaayo.

Markabka loo diyaariyey inuu shixnad Dhuxul ah ka qaado ayaa muran ka dhashay lacagta canshuurta ah ee laga qaadaayo,  waxayna ilo ku sugan magaalada Kismaayo ay sheegeen ganacsatada Markabka leh ka biyo diideen lacagta laga rabo oo ay isku heystaan maamulka dekadda iyo maamulka Jubbaland.

Markabka ayaa la sheegay inuu qaadi doono 50-kun kiish oo Dhuxul ah, taasoo ah dhuxushii ugu badneyd ee mar qura laga dhoofiyo dekadda Kismaayo, iyadoo dhoofka Dhuxusha ay mamnuuceen dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Xiisado ka dhashay askar qaab beeleed u abaabulan iyo arrinta dekadda Kismaayo ayaa keenay inuu Axmed Madoobe kulan degdeg ah isugu yeero golaha wasiiradiisa, waxaana xiisad kale uga furan tahay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON