Monday, July 14, 2025

Muran Sharciyeed ka dhashay Qaraar uu qabyo ahaan ku saxiixay Farmaajo (Siyaasiyiin iyo sharci yaqaano..)

Muran sharciyeed ayaa ka dhashay Hindise Sharciyeed qabyo ah oo uu saxiixay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qoraalka saxiixa Qaraarka magacaabidda 7 xubnood oo ka mida Golaha Adeegga Garsoorka oo shalay uun la faafiyey iyadoo madaxtooyada soo u dusisay baraha bulshada, ayaa waxaa ku qoran in la saxiixay 30/12/2020, laakiin waxay siyaasyiin badan aamisan yihiin in dhowaan la saxiixay oo taariikhdana laga bedeley.

Kadib markii la shaaciyey saxiixa Xeerka Madaxweyne ee magacaabidda 7-da xubnood ayaa Dood shaciyeed ka dhalatay arintan oo markeedii hore uu Madaxweyne Farmaajo boobsiiyey magacaabidooda lana hor geeyay xukuumadii xilgaarsiinta ee Mahdi Guuleed xilligaas oo sharci darro lagu tilmaamay. (AKhriso)

Waxaa kaloo tallaabadan lagu tilmaamay in qaraarkan uu qabyo yahay iyadoo xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka ee la isku heyto ay kaliya ansixiyeen Golaha shacbaka, balse aan la geyn Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo ay tahay inay soo maraan sharciyada ka gudba golaha shacabka, waxaana arrintan ka digay sharci yaqaano iyo xildhibaanno iyo siyaasiyiin.

HOOS KA AKHRISO QAAR KA MIDA FAL CELINTA ARRINTAN

“Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ayaa saxiixay liiska xubnaha Golaha Addeegga Garsoorka. Taariikhda digreetada ayaa lagu qoray 30kii December 2020, si looga dhigo in la saxiixay intii uu muddo xileedkiisu shaqaynayey. Wuxuu damacsanyahay in uu si sharci darro ah ku dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah, oo ay qiil u raadiso si uu xukunka ku sii heysan karo. Farmaajo wuxuu galay labo danbi. Kan koowaad waa in uu si cad oo bareer ah u jebiyey qodobbo dastuuri ah sida; Qod. 71, 112 ee dastuurka ee dhigaya in Aqalka Sare la soo marsiiyo Golaha Adeegga Garsoorka inta uusan madaxweynaha digreeto ku soo saarin. Wuxuu saxiixay iyadoo aan Aqalka Sare la soo marsiinin. Danbiga kale, waa in uu been abuuray (Tazwiiray ama Foojar) gareeyey taariikhda saxiixa. Waxaa muuqata in uu waddo kasta u marayo si uu xukunka sifo sharci darro ah ugu sii joogo. Sida muuqata maalmahan waxaan arki doonaa warqado badan oo taariikho hore (backdating) ah lagu saxiixay.” – C/raxmaan C/shakuur Warsame


“Farmaajo wuxuu xalay si sharci daro ah oo dhuumaalaysi ah u saxiixay Todoba (7) ka mid ah Sagaalka (9) xubnood ee Golaha Addeegga Garsoorka. Kuwaas oo aan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka. Ka sokow in xubnahaas markii horeba aysan soo buuxin shuruudaha xubinnimada ee ku cad Qod. 109A Dastuurka iyo Qod. 6aad ee Sharciga lagu asaasay Golaha Addeegga Garsoorka, haddana waxa sidoo kale la fogeeyay taariikhda xeerkan la saxiixay iyadoo laga dhigayo in muddo hore la saxiixay, maadaaba Farmaajo hada uusan lahayn sharciyad uu xeer ku saxiixi karo oo mudo xileedkiisu dhamaaday. Hadana xeerkani wuxuu ka soo horjeedaa qodobo badan oo Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla ah. Tusaale ahaan: 1. Xeerkan wuxuu ka soo horjeedaa Qod. 7aad ee Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka ee si cad u qeexaya Habraaca Magacaabista Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka. Qodobkan waxaa horay u soo jebiyay Xukuumadii xilgaarsiinta ee Mahdi Guuleed hoggaaminayay” -Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad-


May be an image of 1 person and text that says 'JUDICTARY ON GBV Venue: muus Hali Da'

Qodobada Dastuuriga ah ee uu jabinayo xeerkaan
1. Xeerkaan wuxuu kasoo horjeedaa qodobka 71 aad gaar ahaan faqrada(i) ee Dastuurka kmg ee Soomaaliya 2012 oo qeexaya awoodda Aqalka sare ee ka qaybqaadashada magacaabista xubnaha hoos ku xusan ee Hay’adaha Dawladda.
Sidaan ayuu qodobku uqoranyahay : Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah:
(i) Ka-qayb-qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan: 1. Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka; 2. Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah; 3. Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka; 4. Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta; 5. Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka).
2. Sidoo kale xeerkaan wuxuu ka hor imaanayaa qodobka 112 aad ee Dastuurka oo cadaynaya in loo gudbinayo magacyada Gudiyada heer federaal Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) si ay u ansixiyaan
Sidaan ayuu qodobku uqoranyahay ( Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro). -W/Q: Avv. Cabdalla Qanuni

Akhriso -WARAR LA XIRIIRA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON