Monday, June 23, 2025

Musharax Farmaajo oo noqday Musharixii ugu Balanqaadka badnaa [Akhriso nuxurka Khudbadiisa]

Musharaxa Maxamed C/llaahi (Farmaajo) ayaa Baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya ka horjeediyay goor dhoweyd khudbadiisii musharaxnimada isagoo ka hadlay arrimo fara badan oo ka taagan dalka.

Musharaxa oo taageero ku heysta baraha bulshada ku xiriirto ayaa jeediyay balanqaadyadii ugu badnaa ee musharaxiinta ilaa iminka hadaly, waxaana qaarkood ka mid ahaa lacag, mushaar iyo abaalmarino uu bixin doono haddii la doorto.

Farmaajo oo hore u soo noqday Ra’iisal wasaare ayaa sheegay in qofkii soo sheega qarax la siin doono lacag dhan 100,000 Doolar, haddii uu doonayana dibada loo diri doono, taasoo looga horgtegi doono qaraxyada.

Ad

Wuxuu kaloo sheegay inuu ka mid noqon doono nabadoon odayaasha ka mida, isla markaana odayaasha dhaqanka loo qori doono mushaar ay bil kasta qaataan.

Musharax Farmaajo wuxuu sheegay in si joogto ah loo bixin doono mushaarka ciidamada qalabka sida oo dhan, oo aanay ku dhici doonin mushaar la’aan.

- Advertisement -

“Waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo balantii hadda kahor aan hortiina ka qaaday markii la i ansixinaayey, 6 bilood ayaan balantii ku sameeyay amniga waa ogtihiin Makal Almukarama lama mari karin, amniga ayaan aad u sugnay, $7 million baan uga tegay khasnada dowladda oo aanan waxba ugu imaan, waxaan dib u hirgeliyay Telefishinka dowladda” ayuu yiri Musharax Farmaajo.

Wuxuu sheegay musharaxa in xukuumadii uu madaxda ka ahaa ay cafis u fidisay dhalinyaradii alshabaab lumisay. “300 ayaa xero ku heynay markii Shabaab ay kasoo baxeen, 100 Doolar ayaan siin jirnay midkiiba, dowladii naga danbeeyay way wadi waayeen qorshihii, haddana Ingiriis ayaa la wareegay” ayuu yiri musharaxa.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON