Musharax Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya u tartamaya ayaa fariin olole doorasho oo la yaab leh.
Farriinta Farmaajo u diray taageerayaashiisa ayuu uga codsaday inay ku taageeraan sidii uu ugu guuleysan lahaa xilka madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna ku booriyay in xildhibaan waliba ay ka cosadaan, ka baryaan kuna cadaadiyaan inuu isaga codka siiyo.
Taageeraasha Farmaajo oo hore ololahooda ahaa mid ku wajahan dadka caadiga ah ayaa markan loo sheegay inay xildhibaanada dooranaya madaxweynaha ay meel kasta u galaan si ay uga dhaadhiciyaan inay doortaan FARMAAJO.
Akhriso Fariinta Farmaajo
Bismillahi Raxmaani Raxiim
KU: Dhamaan taageerayaasha Musharax Maxamed Cabdilaahi Maxamed FARMAAJO
Walaalayaal saaxiibayaal sida aad xogta ku heleysaan, Guddiga doorashada Madaxweynaha JFS, wuxuu maanta ku dhawaaqay in 08-Febaraayo ay noqon doonto maalinta doorashada Madaxweynaha Somalia, maalintaas oo ah maalin ay sugitaankeeda idinku qaadatay muddo dheer.
Waxaan ku wargelinayaa dhamaan taageerayaasha Musharax Farmaajo, meel kasta oo ay joogaanba, in wixii saacadan ka danbeeya aan galnay marxaladii ugu danbeysay ee u diyaar garoowga maalinta doorashada.
Haddii aad xubin ka tahay 329-ka xubnood ee codkooda dhiibanaya, Fadlan walaal Xildhibaan CODKAAGA SII MUSHARAX FARMAAJO, haddii uu saaxiibkaa/ walaashaa/ walaalkaa/ xaaskaaga/ninkaaga qaraabadaada ama Xildhibaanka deegaanka matala uu xubin ka yahay 329 Xildhibaan ee codkooda dhiibanaya Fadlan la xariir, ugu tag meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto oo uu joogo/joogto,
Fadlan la xariir, u dir Telefan, E-mail, Baraha Bulshada (Social media) IWM, u sheeg kana codso, ka bari ama u soo jeedi, inuu codkiisa siiyo #FARMAAJO.
GOOBJOOGE.COM