Friday, July 11, 2025

Musharax Madaxweyne oo la waayey xilligii uu jeedin lahaa Khudbadii Musharaxnimo

Iyadoo ay xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka socoto khudbad jeedinta Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa la waayey musharax ku qornaa liiska khudbad jeedinta.

Guddiga Doorashada ayaa u yeeray Musharax C/llaahi Cali Axmed (Caddow Cali Gees) inuu qorshihiisa siyaasadeed u jeediyo xildhibaannada, balse waxaa la waayey Musharaxa oo la sheegay inuusan ku sugneyn xarunta Afisyoone, taasoo keentay in musharixii ku xigay loo yeero, si qorshihiisa u jeediyo.

Mushraxa ayaa markii danbe gaaray xarunta Afisyoone, iyadoo la siiyey khudbadii dhaafay markii uu farriintisii jeediyey musharixii ka dambeeyay ee C/llaahi Cali Xasan.

Ganacsade Caddow Cali Gees ayaa Baarlamaankii 10-aad ka mid ahaa, balse ma xaadirin kulamadii iyo kalfadhiyadii shanta sano socday, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa musharxiintii xilka madaxweynaha isu sharxay sanadkii 2017.

Musharax C/llaahi Cali Axmed (Caddow Cali Gees) waa ganacsade la arko xilliga ay socoto doorashada madaxweynaha oo kaliya, isagoo lacago badan ku bixiya xildhibaannada, una taagan inuu qeyb ka noqdo sidii Musharax gaara loo dhaafin lahaa kursiga.

Wuxuu qeyb weyn ka qaatay inaan dib lo dooran madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku beel ahaayeen, isagoo daka ka tegay wixii markaas ka danbeeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON