Wednesday, June 25, 2025

Musharax Odowaa oo dalbaday in dowladda Somalia la noqoto Guddigii Farsamada Galmudug & Shaqaalaha xukuumadda.

Musharaxa xilka Madaxweynaha Galmudug, kana tirsan Baarlamaanka Federaalka Xildhibaan C/raxmaan Odowaa ayaa dalbaday in dowladda Soomaaliya ay la noqoto Guddiga Farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug.

Musharaxa oo maanta tegay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Guddiga Farsamada oo khaladaad badan galay, isla markaana dhibaatooyin badan geystay ay dhammaatay shaqadoodii, ayna ahaayeen shaqaale dowladeed oo loo baahan yahay inay ku noqdaan meeshii ay ka yimaadeen, howsha xigtana loo daayo Guddiga Doorashada ee Baarlamaanka Galmudug.

Musharax Odowaa ayaa sidoo kale sheegay in shirkii ay maanta yeesheen Guddiga Doorashada Baarlamaanka Galmudug ay soo fariisteen xubno ka mida Guddigii Farsamada iyo agaasimeyaal ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, taasina ay ahayd xadgudub, wuxuuna dalbaday in Guddiga Baarlamaanka loo madax banneeyo shaqadooda.

“Guddoonka Baarlamaanka KMG ah iyo Guddiga Doorashada Baarlamaanka waxaan ka codsaneynaa in guddiga farsamada iyo shaqaalaha xukuumadda bannaanka laga dhigo howsha Baarlamaanka…” ayuu yiri Musharax C/raxmaan Odowaa.

Waxaa kaloo arrintan ka hadlay taageerayaasha musharaxan ee ka tirsan Xisbiga UPD sida xildhibaannada Mahad Maxamed Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi oo cambaareeyey Guddiga farsamada iyo shaqaalaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha inay weli gacanta kula jiraan Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON