Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo u sharxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sameeyay magacaabis iyo isku shaandheyntii ugu weyneyd maamulka Puntland, ka hor inta aanu si toos ah u gelin ololaha Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ka mida Wasiiro, Wasiiru dowleyaal. wasiir ku xigeeno iyo agaasimeyaal, waxaana xukuumadda Puntland lagu soo biiriyey xubno badan oo hore u waayey inay noqdaan xildhibaannada Federaalka iyo Aqalka Sare.
Siciid Deni ayaa xilka madaxweynaha Puntland sii heyn doona inta ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay sheegeen wasiirada Puntland ee ku dhow, waxaana uu xildhibaannada labada Aqal kusoo saaray wasiiro ka tirsan maamulkiisa, kuwaasoo boosaskooda la buuxiyey.
HOOS KA AKHRISO.
Wasiirada la magacaabay ayaa kala ah:
1. Waxaa Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha.
2. Waxaa Cabdullaahi Cabdi Xirsi loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
3. Waxaa Axmed Shire Siciid loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Beeraha Magacaabid:
4. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.
5. Waxaa Dr. Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.
6. Waxaa Dr. Carshe Maxamed Siciid Aw-muuse loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.
7. Waxaa Maxamed Cabdullaahi Axmed (Libaaxe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
8. Waxaa Cabdalle Cali Maxamed (Xashaawe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.
Wasiir Kuxigeeno
Bedel
1. Waxaa Faa’iso Cali Ismaciil loo bedelaya Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Beeraha
Magacaabid :
2. Waxaa Laylo Cabdi Cali loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
3. Waxaa Aamino Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Haweenka
4. Waxaa Cali Cumar Caarshe loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda
5. Waxaa Mukhtaar Cabdisalaan Suleymaan loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada
6. Waxaa Qaasim Maxamed Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Dekeddaha
7. Waxaa Cabduqaadir Maxamed Suleymaan loo magacaabay Wasiirk Kuxigeenka Wasaaradda TamartaJ)
Wasiiru Dowlayaal:
1. Waxaa Shaakir Maxamed Guuleed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta
2. Waxaa Axmed Maxamuud Maxamed (Barile) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha
3. Waxaa Nuur Sheikh Daahir Sheikh Nuur loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha
4. Waxaa Axmed Ibraamin Cawaale loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
5. Waxaa Cabdinaasir Aadan Gows loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda
6. Waxaa Mustafe Cabdifitaax Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
7. Waxaa Cabdiqani Maxamed Cabdi Ciise loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga
8. Waxaa Yuusuf Axmed Maxamuud (Barre Faatax) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha
9. Waxaa Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyoon) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.
Agaasimeyaasha
Bedel
1. Waxaa Maxamed Cali Nuur (Jubba) loo Bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
Magacaabid:
2. Waxaa Maryan Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.
3. Waxaa Maxamed Cabdi Cilmi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
4. Waxaa Maax Axmed Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
5. Waxaa Xaashi Xuseen Faarax loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.
6. Waxaa Aadan Cabdi Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha.
7. Waxaa Salmaan Farxaan Suudi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.
8. Waxaa Cabdullaahi Siciid Awyusuf loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.
9. Waxaa Agaasimaha Guud ee TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland loo magacaabay Cali Cabdi Cali Faarax.