Friday, June 27, 2025

Musharax Tarsan oo talo yaab leh soo jeediyay: “Madaxweyihii la doorto ha laga iibsado Qabiilkiisa..”

Mid ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay taladii ugu yaabka badneyd ee ku saabsan qofka noqda madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa qoraal uu dhigay bartiisa FB ku sheegay in si looga gudbo arrinta caadada noqotay ee ah qofkii madaxweynaha noqda inuu jufadiisa u xagliyo uu soo jeediyay qofka madaxweyne loo doorto in laga iibsado qabiilkiisa oo la siiyo Diyo u dhiganta 100 Halaad.


HOOS KA AKHRI TALADA TARSAN

Waayahaan waxaa na soo marey qof marka uu noqdo madaxweynaha dalka u maleeya inuu madaxweyne u yahay Jufadiisa iyo reerka uu ka soo jeedo. Taas waxey keentay in heyadihii dastuuriga ahaa uu ka wada dhigo hay’ado jufadiisu leedahay.

Si arintaan soo noqnoqtey u dhicin waxaan soo jeedinayaa in marka madaxweyne cusub la doorto in dhaqan laga dhigo madaxweynahaas la doortey in laga gado qabiilkiisa oo la siiyo qabiilka uu ka dhashey diyadiisa oo ah 100 halaad oo geel ah halkaasna ay ku dhamaato in uu ka tirsan yahay qabiil gaar oo uu noqdo nin u dhashey qaranka Somaaliyeed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON