Monday, June 23, 2025

Musharax Tarsan: “Xasan Sheekh ayaa faragelin ku sameeyay dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta..”

Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu faragelin ku sameeyay fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya ee dhageysanayay khudbooyinkii musharaxiinta.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu ku sheegay in Xasan Sheekh uu faragelin ku sameeyay dhageysiga so jeedinta musharixiinta ee maanta oo xildhibaanada uu ka dalbaday inaysan xaadirin fadhiga Baarlamaanka.

Xildhibaano badan ayaa ka tegay xarunta baarlamaanka kadib duhurnimadii, waxaana arrintaasi khudbadiisa ug hadlay Musharaxan oo si toos ah ugu sheegay in qaar badan oo ka mida xildhibaanada aysan joogin oo uu filayo inuusan kooramku buuxin.

Eedeyntan ayaa ka mida hadallo kasoo yeerayay musharixiinta madaxweynaha oo ku saabsan doorashada oo cabsi weyn ay ka qabaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON