Wednesday, July 2, 2025

Musharaxa Dowladda Somalia ee Doorashada Galmudug oo sidii Madaxweyne loogu soo dhoweeyay Dhuusamareeb [Sawirro]

Musharaxa xilka Madaxweynaha Galmudug Axmed ee ay taageersan tahay dowladda Somalia Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si weyn loogu oo dhoweeyay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Musharax Qoor-qoor oo safarkiisa ay ku weheliyeen xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka iyo taageerayaasha dowladda Somalai ayaa soo dhoweynra loo sameeyay waxay ahayd mid dhoolatus oo kale ah, loona so dhoweeyay sida uu yahay Madaxweynaha xilka haya, waxaana Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb lagu gudoonsiiyey Ubax ay Carruur yaryar u sideen.

Isagoo ka mahad celiyey soo dhoweynta loo sameeyay ayuu dhinaca kale Musharax QoorQoor wuxuu ballanqaaday haddii xilka loo doorto inuu la imaan doono siyaasad degen oo uu la shaqeyn doono dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Ololaha ugu weyn ee musharaxa ay wado dowladda Somalia si uu ugu soo baxo madaxweynaha Galmudug ayaa ah inuu xiriir fiican la yeelan doono dowladda Federaalka, inkastoo ay sanad iyo bilo kooban u hareen dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Image may contain: one or more people, crowd, sky and outdoor
Image may contain: 7 people, including Abdihakim Malin, people standing and suit

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON