Musharaxii afraad ayaa goor dhow dhaciyey inuu ka haray tartanka Dooorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay Berri ka dhacdo Muqdisho.
Musharax Madaxwayne Maxamad Cabdiraxman Cali (Siiriin) ayaa shaaciyey inuu ka haray tartanka Doorashadda madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu u tanaasulay mushrax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
“Waxaan shacabka soomaaliyeed u soo gudbinayaa in aan ka tanaasulay tartankii doorashada madaxweynaha soomaaliya,anigoo u tanaasulay walaalkey madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo aan u arko in uu ku haboonyahay hogaaminta dalka 4ta sano ee soo socota” ayuu yiri Musharaxa oo qoraal oo dhigay bartiisa Twitterka.
Musharax Maxamed Siiriin ayaan codad badan kusoo kordhin karin Sheekh Shariif, sidoo kalena kama mid ahayn musharixiinta saameynta leh.
Waa musharixii afraad ee ka hara tartanka xilka Madaxweynaha, waxaana tirada tartanka ku jirta hadda ay noqotay 35 Musharax.
