Wednesday, July 9, 2025

Musharaxii Farmaajo iyo Lafta-gareen oo loo midoobay iyo Sh. Aadan Madoobe oo la filayo..

Isbaheysi ka dhan ah mushraxa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ay wataan Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo C/casiis Lafta-gareen ayaa ka dhex sameystay gudaha xildhibaanndaa Golaha Shacabka xilli ay socoto Doorashada Guddoomiyaha.

Waxaa wareega labaad u soo gudbay afarta mushrax ee ugu codadk badnaa, waxaase tanaasulay Aadan saransoor iyo C/llaahi Black oo labadaba codkooda siiyey Sheekh Aadan Madoobe, isla markaana ku baaqay in isbnedelka la taagero si looga baxo shantii shano ee dowaldii Famaajo

Musharaxa ay taageerayaan Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha K/Galbeed ee Xasan Cabdinuur ayaa wareegii koowaad ugu horeeyay oo helay 98 cod, waxaase la filayaa inuu ka adkaado Sheekh Aadan Madoobe oo wareegan heli doona inta badan codadkii kale ee musharixinta wareeggii koowaad ku haray.

Sheekh Aadan Madoobe oo wareegii hore wuxuu helay 74 cod, laakiin waxaa lagu wadaa inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka 11-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa u badan isbedel doon si weyn uga horjeeda hab-dhaqankii dowladii Farmaajo oo tacadiyadii ugu danbeysay maanta kula kacday xildhibaanada Baarlamaanka si ay uga hor istaagto doorashada caawa socota.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON