Wararkii ugu danbeeyay ee ololaha Doorashada ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ay bilaabaan xusul duubkii ugu danbeeyay.
In ka badan shan musharax ayaa la xaqiijiyay inay boorsooyinka fureen caawa iyagoo soo jiidaya musharaxiintal labada Gole, waxaana musharaxiintaasi ka mida:
1- Maxamed C/llaahi Farmaajo
2- C/qaadir Cosoble Cali
3- Xasan Sheekh Maxamuud
4- Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke
5- Saciid C/llaahi Dani
Lacagaha halkii cod lagu iibsanayo ayaa u dhaxaysa 20-50kun oo doolar, iyadoo la sugayo musharaxiin kale oo safka iibsiga codadka xildhibaanada ku soo biira.
Musharax Sheekh Shariif ayay xildhibaano badan ku hungoobeen isagoo aan weli bilaabin arrintan, iyadoo aan la ogeyn xaaladiisa.