Maalintii labaad ee diiwaangelinta musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta shahaadooyinkooda qaataan musharixiin caan ah.
Wararka laga helayo Guddiga Doorashada ayaa sheegaya ilaa saddex musharax ay waraaqaha iyo macluumaad ka qaateen Khamiistii balse aanay soo dhameystiriin shuruudaha musharaxa madaxweynaha.
Mushariixiinta maanta lagu wado inay is diiwaan geliyaan oo ay qaataan shahaadooyinka waxaa ka mida: C/raxmaan C/shakuur Warsame, Xasan Sheekh Maxmuud, Maxamud Axmed (Tarsan), Jibriil Ibrarim Cabdulle iyo musharixiiin kale.
Afar musharax ayaa si rasmi ah loo diiwaangeliyay musharaxnimada madaxweynaha kuwaasoo kala ah:
Shariif Sheekh Axmed
C/qaadir Cosoble Cali
Cumar C/rashiid Cali
Maxamud Maxamed Culusow
Goobjooge.com