Friday, June 27, 2025

Musharixiin iyo siyaasiyiin ku biiray ololaha Doorashada Shariif Sheekh Axmed [Sawirro]

Musharixiin iyo siyaasiyiin hor leh ayaa taageeray ololaha musharaxnimo ee Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka socda magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiinta taageeray ololaha  Shariif Sheekh Axmed ee la kulmay waxaa ka mida: Cali Maxamed Geedi, Salaad Cali Jeele, C/raxmaan Ibraahim Cali (Shiiraar), Garaad Cagey, Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, Xuseen Caraale Caddaan iyo xubno kale.

Hore waxaa musharaxnimada Sheekh Shariif u taageeray madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo madax kale oo aan la shaacin, kuwaasoo ujeedkoodu yahay in laga hortago dib u doorashada Xasan Sheekh.

Musharixiinta iyo siyaasiyiintan oo ka horjeeda Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu dalka u horseeday dib u dhac iyo musuqmaasuq afartii sano ee la soo dhaafay.

 

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON