Wednesday, June 25, 2025

Musharixiin ku dhegan Prof. Cabdi Ismaciil Samatar (Akhri Qodobadda lagu soo eedeeyay)

Qaar kamida musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa dacwad ku soo oogay guddoomiyaha Guddiga Anshaxa Doorashooyinka Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Musharixiinta ayaa sheegay inuusan doorashada dhexdhexaad ka noqon karin, isagoo hore u aflagaadeedyay qaar ka mida musharaxiinta, isla markaana qaarkood ku sheegay inay lahayn karti hogaamineed.

Qodobadda lagu soo eedeeyay Guddoomiyaha Guddiga anshaxa doorashada waxaa ka mida inuu taageersan yahay mid ka mida musharixiinta oo bixiya kharashka joogitaankiisa Muqdisho:

AKhriso Qodobadda
1. Inuu warbaahinta hore u caayey musharaxiinta qaarkood
2. Inuu hadda saaxiib dhow  la yahay mida ka mida musharaxiinta (C/qaadir Cosoble)
3. Inuu degaankiisu yahay Hoyga Musharax Cossoble iyo xarunta ololahiisa
4. Inuusan aqoonsanayn dowlanimada Soomaaliya
5. Inuusan la tashan Guddiga intiisa kale, oo warbixinnada uu ka qoro doorashada ay la aamini karin.
Prof. Cabdi Ismaaciil ayaa hore u sheegay in Musharax Farmaajo uu yahay qof qabyaalad ku weyn tahay oo aan wax macne ah ku soo kordhin karin Soomaaliya (DHAGEYSO CODKA)
Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON