Thursday, June 26, 2025

Musharixiinta Beesha Hawiye oo ka haray tartanka Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka sare

Musharixiin ka soo jeeda beesha Hawiye ayaa ka baxay tartanka Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka danbeysay  kadib markii Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka sare uu ku guuleystay Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo ka soo jeeda Beesha Hawiye.

Awood qeybsiga beelaha ayaa u diidaya in hal been ay hesho laba xil oo noocan oo kale ah, taasoo hadda loolanka ugu danbeeya ee guddoomiye labaad u furan yahay oo kaliya musharixiinta kasoo jeeda Beesha Daarood.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad u tartamayay waxay kala ahaayeen:

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Macow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. Fartuun Cabdulqaadir Faarax
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan.

Waxa tanaasulay Musharax Cismaan Axmed Macow, waxaana tartanka galay 3 rag iyo saddex haween.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON