Monday, June 23, 2025

Musharixiinta Madaxweynaha ee Xildhibaannada noqday iyo Kuwa ku fashilmay (Akhriso)

Madaxweynihii hore, ahna musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay 1 May 2022 noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya, kadib markii la shaaciyey inuu ku guuleystay kursigii Beeshiisa oo hore loo siiyay.

Su’aalo badan ayaa ka dhashay in Musharax madaxweyne uu doonto kursi xildhibaan, waxayna dadka qaarkood u fasireen inay yar tahay rajada musharaxa raadsaday kursi xildhibaan; Inkastoo siyaasiyiin xildhibaanno kusoo galay ay hore madax u noqdeen sida Xasan Sheekh, haddana markii ugu horey oo madaxweyne hore uu Xildhibaann raadsato.

Qormadan waxaa ku eegneyaa musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomalaiya ee haddana xildhibaannada noqday, iyo kuwa raadiyey ee kusoo fashilmay.

Ad

Musharixiinta waaweyn ee xildhibaannada noqday ayaa olole ka dhex sameeyay beelahooda si loo siiyo kursiga xildhibaan ee Golaha shacabka, qaarkood ayaa ku guuleystay, halka qaar kale ay ku fashilmeen.

Musharixiinta xildhibaannada ah waxaa ka mida:

– Xasan Sheekh Maxamuud: Waa xildhibaan joogto ah oo dheeraad ku ah 275-ta Golaha, kadib markii uu xilka si nabad ah ku wareejiye.

- Advertisement -

– Shariif Sheekh Axmed: Madaxweynihii hore iyo musharax madaxweyne wuxuu ahaa musharixii ugu horeeyay ee jufadiisa ka dalbaday inay siiso kursiga xildhibaan, arrintaas oo ahayd mid dadka qaarkiis aad ula yaabeen, isagoo shalay xilkaas gacantaag lagu siiyey.

– C/raxmaan C/shakuur Warsame: Musharax Madaxweyne Doorashada 2021/22 wuxuu dadaal u galay sidii uu ku noqon lahaa xildhibaan beeshiisa u metala Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxayna beeshiisa ku taageertay kursigaasi, isagoo ka mida musharixiinta xildhibaannada ah.

– C/qaadir Cosoble Cali: Waa musharax kale oo mar soo helay kursigiisa xildhibaan ee uu ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad, isgoo taageero ka helay Madaxweynaha Hirshabeelle. Wuxuu ka mid yahay Musharixiinta xilka Madaxweynaha marar badan isu sharxay, balse rajadiisa aanay fogeyn.

Shariif Xasan Sheekh Aadan: Waa musharax u taagan xilka madaxweynaha oo beeshiisa ay siisay kursiga Golaha shacabka, kaasoo uu horeba ugu fadhiyey wiilkiisa, Shariif Xasan waxa hor istaagay Madaxwenaha K/Galbeed oo ka xirtay kursiga.

- Advertisement -

– C/kariin Xuseen Guuleed: Madaxweynihii hore ee Galmudug, kana mida musharixiinta ayaa ku fashilmay inuu helo kursiga xildhibaan ee Beeshiisa, markii uu arrintaas ka hor istaagay Madaxweynaha Galmudug.

Ujeedada Musharixiinta madaxweynaha qaarkood u doonayaan kuraas xildhibaan ayaa kala duwan, qaarkood ujeedkooduba wuxuu ahaa kursi xildhibaan oo rajo badan kama laha xilka ay u sharxan yihiin, qaar kale waa inay marka hore xilkan xaqiijiyaan, kadibna ay ka dhex ololeeyaan gudaha Baarlamaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON