Musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa saf dheer u galay qaabilaadda ergayga Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating.
Mushrixiintan ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku howlanaa balamo ay doonayaan inay ku arkaan wakiilka iyagoo buux dhaafiyay xarunta Q/Midoobay ee Soomaaliya, waxayna tani ka mid noqotay ololaha doorashada.
Micheal Keating ayaa boggiisa twitterka soo dhigay sawirro ku saabsan kulamada uu la yeeshay musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya u taagan, taasoo keentay inay sii kordhaan musharixiinta dooneysa inuu qaabilo wakiilka.
Madaxda Soomaalida ayaa caado ka dhigtay inay kalsooni dheeraad ah oo ku qabaan wakiilada Q/Midoobay Soomaaliya u dirto, kaasoo noqda mas’uulka ugu sareeya Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan ay aqoonsan yihiin.
Goobjooge.com