Monday, June 23, 2025

Musharixiinta Mucaaradka oo socod Dhoolatus ah ku tegay Daljirka Dahsoon iyo ciidamo badan oo…

Musharixiinta Mucaaradka ayaa goor dhoweyd galabta socdaal dhoolatus ah ku tegay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho oo Berri la filayo inuu ka dhaco bannaanbax looga horjeedo Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahio Farmaajo.

Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamud. C/raxmaan C/shakuur iyo musharxiitna kale ayaa socod uga baxay Hotelka Maa’ida ee u dhow Daljirka, waxaana saxaafadda kula hadlay Taallada Daljirka Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in Berri ay noqon doono maalin taariikhi ah.

Sheekh Shariif wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha xilligiisa dhammaaday inuu kursiga ka dego, lana mid noqdo musharixiinta kale si doorasho loo aado, ujeedkooduna yahay inay si nabadgelyo ah u muujiyaan codkooda.

Ad

Wuxuu ugu baaqay inuu Farmaajo ka hor leexd doorashada oo uu caqabad ku yahay, sida madaxdii maamul Goboleedyada uu ugu diiday inay sii joogaan xukunka.

Ciidamo badan oo milateri ah iyo gaadiidka dagaalka ayaa sugayey amniga Musharixiinta, Taallada Daljirka iyo Hotelka ay xarunta ka dhigteen.

May be an image of 1 person
No photo description available.
No photo description available.
May be an image of 1 person
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON