Tuesday, July 1, 2025

Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya oo War aan la fileyn ka sheegay Bannaanbaxa Mucaaradka

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa noqday diblomaasigii ugu horeeyay ee ka hadla xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Bannaanbaxa ay Musharixiinta mucaaraka qabanqaabinayaan inuu Berri ka dhaco Muqdisho.

Wakiilka ayaa sheegay in bulshada Midowga Yurub ay tahay mid qiyam ku dhisan, inkastoo ay tahay in la dhowrto xaqa xoriyadda hadalka iyo bannaanbaxyada, haddana loo baahan yahay in lagu qabto si is-xakameyn ah, lagana dhowrsado falalka iyo hadaladda colaadeed ee keeni kara qalalaase iyo xasilooni darro.

“Iyadoo la dhowrayo xaqa xoriyadda hadalka iyo bannaanbaxyada, waa in ku dhacaan is-xakameyn, waana in la iska ilaaliyo falalka iyo hadallada kulul ee keeni kara qalallaase iyo xasilooni darro” ayuu yiri Nicolas Berlanga oo farriin soo dhigay bratiisa Twitter-ka.

Inta badan Soomaalidii farriintiisa ka falcelisay ayaa ku eedeeyay inuu ka horjeedo Dimoqraadiyadda iyo inuu taageerayo rijiimka Farmaajo ee sharci darrada ku jooga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON