Tuesday, July 1, 2025

Musharixiinta oo ka hor yimid Xil uu Midowga Afrika u magacaabay Sarkaal Sare oo ka tirsanaa AMISOM

Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay magacaabista Madaxweynihii hore John Dramani Maharna ee dalka Ghana loo magacabay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika (AU) u qaabilsan Soomaaliya.

Qoraal ay soo sareen Musharixiinta ayaa lagu bogaadiyey inuu John Dramani hogaamiyo dadaalada dhexdhexaadinta ee udhaxeysa Dowlada Federaalka Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah Gobolka, Musharaxiinta ugu weyn ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. iyo kooxaha bulshada rayidka ah si uu dhabbaha ugu xaaro in degdeg loo bilaabo Doorashooyinka.

Goluhu wuxuu caddeeyay inuu si buuxda ula shaqeeyo ergeyga iyo kooxdiisa wuxuuna ka codsaday dhinacyada kale inay sidaas oo kale la shaqeeyaan ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika.

Midowga Musharixiinta ay dhinaca kale ka biyo diiday magacaabista Mr. Babatunde Taiwo oo ahaa Madaxa arrimaha siyaasadda ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), balse hadda loo magacaabay la-taliye sare oo xagga siyaasadda ee Midowga Afrika.

“Intii uu hayey xilkii hore Mudane Taiwo wuxuu si bareer ah u hareer maray, isaga iyo qaar kale oo ka tirsan hoggaanka AMlSOM shaqadii loo igmaday, wuxuuna ku xadgudbay waajibaadkiisii” ayaa lagu yiri qoraalka Musharixiinta oo ninkan ku eedeeyay inuu ku kacay waxyaabo ka baxsan shaqadiisa.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay Midowga Afrika inuu ka fiirsado xilka loo magacaabay Babatunde Taiwo, iyagoo sheegay in markii ay ka tashadeen waxqabadkiisii ​​hore iyo dhaqan xumadiisa uu ku kacay inay si aad ah uga walaacsan yihiin dhexdhexaadnimadiisa iyo sida uu daacad ugu noqon karo xilkan muhiimka.

“Waxaan rajeyneynaa oo codsaneynaa in Midowga Afrika uu si xushmad leh uga fiirsado magacaabista Mr. Taiwo” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Midowga Musharixiinta oo diiday la-shaqeynta sarkaalkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON