Friday, June 27, 2025

Musharixiinta Sheekh Shariif & Cumar C/rashiid oo kulan Qorsheysan ku yeeshay Nairobi [Warbixin]

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in laba ka mida musharaxiinta ugu cadcad xilka madaxweynaha kulan ku yeeshaan caawa magaalada Nairobi.

Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal wasaarihiisii Cumar C/rashiid oo hadda ah musharixiin u taagan xilka Madaxweynaha ayaa kulankooda ahaa mid qorsheysan oo laga fogeeyay magaalada Muqdisho.

Xogta laga helayo Nairobi ayaa sheegeysa in labada nin ay taageero ka helayaan dowladda Imaaraadka Carabta, isla markaana mid waliba uu doonayo xilka, balse dowladda Imaaraadka ay ugu talogashay inay u noqdaan qorshooyin kala danbeeya iyadoo la isku hayo musharaxa noqon doona A iyo midka qaadan doona B.

Socdaalka labada musharax ayaa ahaa lama filaan iyadoo looga yeeray magaalada Nairobi oo ah goobta Imaaraadka Carabtu ka wado ololaha doorashada Soomaaliya.

Shariif Axmed ayaa magaalada Kismaayo u tegay olole doorasho, waxaana intii aanu Muqdisho ku soo laaban looga yeeray Nairobi, halka Cumar C/rashiid uu ka horeeyay, waxayna arrimahan oo dhan muujinayaan in ololaha doorashada uu marayo xilli xasaasi ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON