Golaha Midowga Musharixiinta ee xilka Madaxweynaha ayaa Warr-saxafadeed ay soo saareen ku dalbaday in laga qeybgeliyo shirka magaalada Dhuusamareeb ee madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada uga hadlayaan Doorashada Dalka.
Musharixiinta ayaa dalbaday in sidoo kale Shirka Dhuusamareeb laga qeyb geliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Bulshada rayidka, sidoo kalena ay goobjoog ka noqoto Beesha Caalamka si wixii kasoo baxa u damaanad qaado fulintooda.
Qoraalka Musharixiinta ayaa sidoo kale lagu sheegay inay shirka u arkaan fursadii ugu danbeysay ee dalka looga badbaadinayo qalalaase, waxayna Madaxweyne Farmaajo uga digeen inuu shirka ka abuuro khilaaf hor leh ama raadiyo muddo kororsi, waxayna ugu baaqeen inuu muujiyo xilkasnimo toddobaadka ugu danbeeya muddo xileedkiisa.

HOOS KA AKHRISO

