Sunday, July 13, 2025

Musharixiintii ugu badneyd oo isu soo taagay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka [Akhriso Magacyada 11 Musharax]

Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa galabta soo xiray qabashada araajida musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana si rasmi ah shuruudaha u buuxiyey 11 musharax oo beel qura kasoo jeeda.

Guddiga ayaa shaaciyey magacyada 11-ka xildhibaan ee u tartamaysa xilka gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamanka federaalka oo lagu wado inay dhacdo 30-ka bishan April 2018.

AKHRISO MAGACYADA MUSHARIXIINTA

1- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow
2- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur
3- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen
4- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow
5- Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe
6- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye
7- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar
8- Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal
9- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla
10- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye
11-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur

Tirada u taagan xilka uu banneeyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa noqonaya tiradii ugu badneyd ee xilkan isu soo taaga tan iyo sanadki 2000 shirkii Carte, waxaana ku jira wasiiro xilalkoodii iska casilay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON