Monday, June 23, 2025

Muuqaal Dunida ka yaabiyey: Hal Diyaarad oo 640 Qof ka qaaday Garoonka Magaalada Kaabul (Sawirro)

Sawir aad loola yaabay ayaa laga qaaday boqolaal Reer Afghanistan ah oo Diyaarad ay leeyihiin Milateriga Mareykanka ka raacay Garoonka Hamid Karzai ee magaalada Kaabul.

Sawirka cajiib ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya boqolaal qof oo saarnaa diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka ee Mareykanka oo nooceedu yahay diyaaradda xamuulka ee C-17, taaasoo Axaddii ka duushay magaalada Kaabul.

Sida laga soo xigtay barta Defence One, oo sawirka laga helay 640 qof ayaa saarnaa diyaaradda, taas oo aad uga badan qaadkeeda, waxaana caadi ahaan loogu talogalay in diyaradaasi qaado 150 askari oo ah kuwa Dallaayadaha ku booda.

Ad

Diyaaradan ayaa markii ay ciidamo Mareykan ah geysay magaalada Kaabul, ayna dooeysay inay noqoto waxaa kusoo qamaamay boqolaal qof oo reer Afghanistan ah, kuwaasoo hore ula soo shaqeeyay Mareykanka, una diyaarsanaa in la qaado.

Dadkan ayey duuliyeyaasha Diyaarada u fasaxeen inay raacaan diyaaradda, waxaana diyaaradda iska buuxiyey qoysas dhan, dhalinyaro, caruur iyo dad nooc kasta leh, waxaana gudaha diyaaradda ka muuqda inay si xad dhaaf ah u buux dhaafiyeen diyaaradda Xamuulka ah.

Warkii ugu horeeyay ee dadka faraha badan ee raacay diyaaradda C-17 waxaa lasoo weriyay inuu wadahadal dhex maray maamulayaashii garoonkii Diyaaradda ee ay ku socotay iyo duuliyeyaasha Diyaaradda oo markii la weydiiyey inta qof ee ay sidaan ku jawaabay: 800 qof, taasoo aad uga yaabisay hagayaasha Diyaaradda ee Garoonka ay ku socotay oo aan la shaacin.

- Advertisement -

Tirada dadka la socday diyaaradda ayaa markii dambe la xaqiijiyey inay noqdeen 640 qof, taasoo ah tiro aanay hore diyaaradaasi u qaadin oo lama filaan noqotay, inkastoo ay tahay diyaarad xamuul oo aad u culus.

Satellite images show the number of people on the tarmac at Kabul airport desperately trying to get onto flights out of Afghanistan on Monday
Thousands of Afghan nationals rushed to the airport on foot on Monday to try to get on evacuation flights as the Taliban took over
The US Embassy has been evacuated and the American flag lowered, with diplomats relocating to the airport in scenes reminiscent of the evacuation of the embassy of Saigon in 1975. Other Western countries have also closed their missions and are flying out staff and civilians after the Taliban walked into Kabul's presidential palace
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON