Saturday, July 12, 2025

Muuqaalka Askarigii Mareykanka ee Alshabaab ku dileen duleedka Kismaayo oo la shaaciyey [Daawo]

Waxaa la helay muuqaalka askarigii Mareykanka ee kooxda Alshabaab ay ku dileen Jimcihii weerarkii ay ku qaadeen degaanka Baar-Sanguuni gobolka Jubadda Hoose.

Sida ay faafisay Wasaaradda Difaaca Mareykanka waxaa askariga lagu magacabaa Alexander Conrad, waana 26 sano jir, iyadoo uu ka mid aha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka oo ka howlgala Soomaaliya fadhigiisuna ahaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Alexander Conrad ayaa ku dhintay weerarka ay Alshabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada huwanta ka sameysteen duleedka magaalada Kismaayo, waxaana weerarkaasi lagu dhaawacay 4 askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka.

Mr. Conrad ayaa ku dhashay Mesa, Arizona. Wuxuuna ku biiray Cutubka 1aad, kooxda 3aad Ciidamada gaarka ah, oo saldhigoodu yahay Fort Bragg, Waqooyiga Carolina. Conrad iyo Ciidamada Maraykanka ayaa ka barbar dagaalamaya 800 Askari oo ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Kenya.

Maraykanka ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya ciidamo gaaraya 500 Askari, kuwaas oo inta badan la howlgala ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya Danab.

SourceReuters

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON