Madaxweynaha Somalialnd Muuse Biixi Cabdi ayaa Khudbad-Sannadeedkiisa maanta u jeediyey Golayaasha Somaliland, isagoo si faahfaahsan uga hadlay xaalada maamulkiisa ee dhinac waliba leh.
Qeybta hoose waxaanu kasoo qaadanay qeybta quseysa xaaladda Soomaaliya iyo wadahadalkii dhex maray Dowladda Federaalka iyo Somaliland, wuxuu kaloo kusoo qaaday Doorashooyinka Soomaaliya iyo xiriirka Somaliland iyo Kenya.
HOOS KA AKHRISO
Wada-hadallada Somaliland iyo SoomaaliyaXukuumadda Somaliland oo ay ka go’an tahay xaqiijinta madax-bannaanida Somaliland, culays kasta oo ay ku kacayso, waxa ay goosatay in ay fagaare walba iyo cid kasta oo ay danta Somaliland gasho, in ay waajahdo.
Sidaa darteed, waxa aannu ogolaanay in la amba-qaado wada-hadalladii innaga iyo Soomaaliya ka dhex socday ee taagnaa muddada dheer. Sida aad ka war-qabteen, waxa la iskugu yimi Shir-Madaxeedkii ka qabsoomay dalka Jabuuti. Xog-ogaal baad u tihiin in uu ahaa fagaare caalami ah oo weftigii aan hoggaaminayey si kalsooni leh, oo badheedh ah u soo bandhigay qadiyaddeena.
Madaxweynaha Jabuuti waxaannu uga mahad-celinaynaa in uu ku hoggaamiyey shirkaasi waayo-aragnimo, xog-ogaalnimo iyo dhex-dhexaadnimo milgo leh. Mudanayaal iyo Marwooyin, Shirkaa waxa ku xigay Marti-qaadkii Madaxweynaha Kenya, Mudane Madaxweyne Uhuru Kenyatta, uu innagu casuumay Dalkiisa.
Waad wada og-tihiin hab-maamuuskii iyo karaamadii uu ku qaabilay weftigii aan hoggaaminayey. Waad wada aragteen War-murtiyeedkii labada Dawladood soo wada saareen ee la baahiyey. Waad ka dharagsan tihiin colaaddii iyo calool xumadii ka soo butaacday Xukuumaddii maalintaa Xamar ka talinaysay iyo go’aankii ay soo saartay.
Go’aankaasi umuu jeedin Dawladda Kenya, balse waxa uu qeexayey heerka naca iyo cadaawadda ee ay Dawladdaasi u qabtay Shacabka iyo Qarannimada Somaliland. Waxa ka horraysay iyana, in ay kula kacday nac iyo colaad taas oo kale ah dalka Gini oo innagu marti-galiyey dalkiisa.Waxa aan uga mahad-celinayaa Madaxweynayaasha Dalalka Kenya iyo Gini sidii milgaha lahayd ee ay innoo soo dhaweeyeen iyo go’aankii geesinnimada lahaa ee ay qaateen.
Walaalayaal, Halkaa waxa innooga cad heerka ay gaadhsiisan tahay cadaawadda la innoo qabo. Balse dhammaan safaraddii iyo wada-hadalladii aynu galnay sannadkii tagay waxa Somaliland uga soo go’ay midho la taaban karo oo ah in Qadiyadda Somaliland tahay Qadiyad Caalami ah oo aan la dhayalsan karin.
Waxa kale oo aynu kasbannay Saaxiibo hor leh oo aan ku yeelanay Afrika iyo Adduunkaba.Qaramada Midoobay (United Nations) Dhismaha Qaramada Midoobay waxa saldhig u ah Dhawrista Xuquuqda Aadamaha iyo Xaqa Ummadi u leedahay Aaya-ka-tashigeeda. Waxa Shacabka Somaliland ka xun yahay in Qaramada Midoobay marnaba ixtiraamin Mabaadiida Saldhiga u ah Dhismaha Qaramada Midoobay, marka loo eego sida ay indhaha uga lalisayRabitaanka iyo go’aammadii masiiriga ahaaee Shacabka Somaliland gaadhay 18-kii May 1991.
Shacabka Somaliland, markii ay bur-burtay Dawladdii lagu midoobay, waxa ay go’aansadeen, iyaga oo isku dhan, in ay ka baxaan midowgaasi. Waxa ay qaateen in ay dhistaan Dawladda Somaliland. Somaliland waxa ay qaadday jidka nabadda, Dawlad dhiska, Dimuqraadiyadda, Doorashooyin qof iyo cod ah, Is-beddelka hoggaanka dalka oo u dhaca si nabad ah. Balse Qaramada Midoobay marna kamay hadal, kamanay garaabin, qadarintii iyo ixtiraamkii ay ka mudnaydna ka may helin Somaliland.
Waxa yaab leh in Dawladaha qaarkood ay aqoonsi iyo taageero Maaliyadeedba ay siiyaan Soomaaliya, oo qaadatay jidkii bur-burka, Fawdada, qaska siyaasadda iyo jah-wareerka. Saw lama odhan karo Dawladaha hubka iyo dhaqaalaha ku dal-dalaya Soomaaliya waxa ay ka leeyihiin dano guracan oo kollayba ka fog kuwo dan u ah Shacabka Soomaaliya. Maanta waad og-tihiinoo Dawlad wakhtigeedii dhammaaday, oo aan sharci u kordhin ayaa ka-talisa Muqdisho, doorashana uma jeeddo, waliba sida Warbaahintu sheegayso, Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Xamarwali mawqifka ay ka qabaan Dawladdaa wakhtigeedii dhammaaday ma cadda.

Waxa intaa dheer, oo Somaliland gar-darro ku ah, in Qodobbada la isku haysto ay ka mid tahay wax loogu yeedhay Xubnaha Baarlamaanka Muqdisho ee Gobollada Waqooyi. Somaliland aad bay uga xun tahay in loogu yeedho Gobollada Waqooyi. Somaliland gar-darro cad bay u aragtaa in la yidhaahdo Xubno Baarlamaan oo lagu sheego in ay matalayaan Somaliland ayaa fadhiya Xamar. Shacabka Soomaaliya waxa aan leeyahay, yaanu aayihiinna ka talin nin dalkiisii fakad ka ah, idinkana aan idiin tudhayn.
Xubnaha Somaliland u dhashay ee hawshaa ku foogan waxaan u sheegayaa in Shuruucdii lagula dhaqmi jiray aad loo adkaynayo, waayo waxa inoo fududaatay in la yidhaahdo waa hebel oo waa nin weynoo dalkiisii kusoo noqdaye halla saamaxo, kii la saamaxay baa noqday oo imika ka taliya meeshii, dee caqli ma aha oo qarannimaday meel kaga dhacay, laakiin sharcigii adkaa ee aad meelmariseen ee ahaa illaa maxkamad la mariyo lama saamixi karo, ayaa lagu dhaqayaa haku talo galaan.