Friday, June 27, 2025

Muuse Biixi oo u jawaabay Wasiir Jamaal, Digniin culusna u jeediyey Madaxda Dowladda Somaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga jawaabay qoraal uu wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ku weeraray xildhibaanka Ingiriiska ee diyaariyey Mooshinka aqoonsiga Somaliland.

Isagoo ka hadlayey shirkii Golaha Wasiirada Somaliland, kadib socdaal uu ku tegay dalka Itoobiya ayuu Muuse Biixi digniin culus u diray madaxda dowladda Federaalka oo uu sheegay inay faraglein ku hayaan madax bannaanida Somaliland.

“Goluhu waxa uu digniin culus u diray dawladda Muqdisho ee caadaysatay farogelinta qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Goluhu wuxuu uga digayaa dawladda Muqdisho oo hadda bilowday weerar qaawan oo ay ku qaadayaan xubnihii Baarlamaanka ee hawshaas galay” ayuu yiri Muuse Biixi oo khubad qoraal ah ka akhriyey shirka Golaha wasiirada.

Wuxuu sheegay in arrimahasi sii kordhinayaan nacayb, kala fogaansho iyo colaad dheeraata oo aad ku beerayaan Soomaalida gudaheeda. “Somaliland-na maaha mid ay cidi ku qasbi karto inay noqoto madax-bannaanideeda iyo masiirkeeda, horena way ugu muujisay naf iyo maalba, haddana waa u diyaar” ayuuna yiri.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa qoraalka uu ugu jawaabay xildhibaan Gavin Williamson wuxuu ugu sheegay inuu khaldan yahay oo anu faragelin karin Qaran jira isagoo ganacsi ahaan uga shaqeysanaya. (Halkan ka Akhriso)

Muuse Biixi Cabdi

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON